Baahiyaadka Waaxda Garsoorka

By: Garyaqaan: Xassan Faarah Mohamed.
Hassan@watershedlegal.com, facebook: hasanllb@hotmail.com, Tuiter: Superxfm, skype: superxfm.

Marka hore aan hambalyo mug leh u diro xisbiga Kulmiye, madaxdiisa, taageerayaashiisa, shacabkiisa, iyo dhamaan hawl wadeenadiisa, hanbalyo gaar ahaaneedna aan u diro Muj. Axmad Siilaanyo iyo Saylici guusha ay ka soo hooyeen doorashooyinkii dhacay 26 June 2010. hadaan hanbalyada intaas ku dhaafno maahmaah soomaaliyeed baa tidhaa “Raqba waa ku Rageed”, loolankii iyo tartankii dhamaa, midida daabkeediina cid baa maanta loo dhiibay, waxa loo baahanyahay in ay la yimaadaan isbedal muuqda oo dhab ah oo ka bilawda seeska een ka bilaabmin saqafka taas waxaan uga jeedaa is badal saameeya dhamaan shacabka jamhuuriyada Soomaaliland een saamayn oo kali ah madaxda loo dooranayo dawlada cusub, si kale hadaan u idhaana uma baahnin qof badal ee waxa aynu u baahanahay waa isbadal.

Qabyooyinka Sharci ee Horyaala Maamulka Cusub

Qabyooyinka sharci ee dalka ka jiraa waa ay farabadanyihiin, hadii aynu rabno maamul wanaagsan iyo dawladnimo hanaqaadana waa in aynu qabyo tirnaa, maamulka cusubina la yimaadaa kartidii uu ku hanan lahaa xirfad yaqaanada maamulka iyo sharciga. Bal aan wax yar hogo tusaaleeyo qabyooyinka ugu waaweyn iyo caqabadaha sharci ee horyaala xukuumada cusub:

1. Samaynta Xeerarka Lagu Aasaaasayo Wasaaradaha iyo Hayadaha Qaranka

Inkasta oo ay dalka ka shaqeeyaan wasaarado iyo hayado madaxbanaan oo farabadani, hadana nasiib daro badankoodu malaha wax xeer ah oo lagu aasaasay, sidaan la wada socono hayada dawliga ahi waxa ay leedahay shakhsiyad qaanuuni ah taas macnaheedu yahay waxa ay u dhaqantaa sida qofka dabiiciga ah: wax iibsiga, xaqa dacwada iyo dacweynta, rahanka, amaahda, siismada iwm. Balse waa in hayadahaasi ay sharci ku dhisnaataa isla markaana la qeexaa masuuliyada ay umada u hayso laguna soo daraa miisaaniyada waxa ayaan daro ah in mudadaasi aynu soo jirnay siday doontaba ha ahaatee aan wasaarado farabadan iyo wakaalado madaxbanaanida aysan yeelan sharci aasaasa oo qeexa awoodaheeda, masuuliyadaheeda iyo waxa ay qaranka u qaabilsantahay taasi oo shaki galin karta jiritaankeeda sharci.

2. Qabyo Tirida Dastuurka Qaranka

Dastuurku sida aan wada ognahay waa hage, lagumana dhamaystiri karo dhamaan shuruucda ay u baahantahay dawlad casri ahi, si taas loo helo Dastuurka waa in la gufeeyaa. Saddex qaab oo muhim ah ayaa aynu u gufayn kartaa: waxa aynu soo saari karnaa dhamaan xeerasha ay u baahantahay dawlad casri ahi taas oo Dastuurka laftiisu waajibinayo, marka labaad tafsiir baynu ku ku samayn kartaa meelaha loo arko in ay macno ahaan is khilaafayaan si loo helo hal Dastuur oo isla jaanqaadaya taasina waxa ay u baahantahay Maxkamad Sare oo ay fadhiyaan dad awood u leh tafriirka qawaaniintu, hadii uu xalku labadaa midba noqon waayana Dastuurka ayaynu kaabis ama wax ka badal ku samayn karnaa.

3. Dib u Habaynta Waaxda Garsoorka

Waaxda garsoorku maanta waa meelaha ugu liita qarankani, waxa loo baahahyahay in dib u habayn balaadhan lagu sameeyo waaxda Garsoorka, taas oo ay ka mid tahay: soo celinta madaxbanaanidii garsoorka, maamul ahaan iyo maaliyad ahaanba, samaynta iyo dhamaystirka shuruucda aasaaska u ah garsoor casri ah, maanta waxa maxkamadaha yaala waa xeerarkii dawladihii hore ee lixdamaadkii ay sameeyeen iyada oo aynu ognahay in dalku horumarka dhinaca tignoolojida ee uu gaadhay waxad moodaa in tignoolojiyadii ay sharcii ka badisay: tusaale ahaan maanta dadkeenu waxa ay adeegsadaan Zaad, prepaid, E-mail Account, Debit Card, waxana ay sameeyaan macaamil ganacsi oo farabadan oo ku dhaca electronic, wax sharci ah oo lagu dabaqaana mayaalaan maxkamada. Sidoo waxaan jirin dhamaan xeerarkii kala ilaalin lahaa dadka ku hawlan waaxda garsoorka, waxaan jirin nidaamkii lagu dalacsiin lahaa garsoorayaasha, waxaan jirin xeerarkii anshaxa, ee garsoorayaasha, kaaliyayaasha, garyaqaanada, iyo shaqaalaha kale ee ka hawl gala maxkamadaha ee dhawri lahaa nidaamka waaxda garsoorka iyo dadka ka hawlgalaba, waxaan jirin nidaamkii xafiiseed ee waaxda garsoorku ku shaqayn lahayd, intaasba waxa ka xun waxaan jirin garsoorayaashii iyo dadkii loo baahnaa ee ku gaashaanaa culuumta sharci isla markaana ka dhex noqon kari lahaa dacwadaha iyo dadka ay dantu ka soo gasho maxkamadaha. Taasi waxa ay keentay iska dabawareeg, meehanaw, iyo walaac joogto ah oo ay la kulmaan dhibanayaasha hortuman maxkamaduhu, waxa markaas lama huraan ah in la dhiso nidaaamka lana qiimeeyo kartida iyo wax qabadka garsoorayaasha iyo shaqaalaha waaxda garsoorka oo runtii halbawle u ah dawlad wanaaga, cadaalada horumarka iyo maalgashiga.

4. Iswaafajinta Xeerarka Dalka

Xeerarka dalka maanta laga adeegsadaa waa kuwo aynu ka dhaxalnay dawladii Somaaaliya, kuwo la abuuray waqtigii Axdi Qarameedka iyo qaar aynu samaysanay waqtigii ka danbaysay ansixintii Dastuurka qaranka hadaad u fiirsatana waxa dhamaantood ku jira qabyo aad u farabadan iyo is khilaaf meelaha qaarkood ah, waxa loo baahanyahay in hal mar la iswaafajiyo shuruucda guud ahaan dalka lagaga dhaqmo in kasta oo ay hawshaasi tahay mid leh culayskeeda hadana waa mid aad loogu baahanyahay si aynu u dhamaystirano maamulka dawliga ah.

5. Adkaynta iyo Ku Dhaqanka Xeerka

Xeer wanaagsan lama mahadiyo ilaa lagu dhaqmo mooyee, hadaan xeerka lagu dhaqmayn cida jabisaana aysan qaabilayn ciqaabtiisa wax kuu ka duwanyahay ma leh buugaaga iyo waraaqaha caadiga ah ee guryaha inoo yaala. Xeerarka dalku waxa ay u baahanyihiin in la dabaqo in la adkeeyo cidii jabisana lagu qaado ciqaabta ku haboon ee xeerku jideynayo taas baa maamul wanaaga iyo cadaaladuba ku imaan karaaan. Xeerarka ay ansixiyeen dhamaan golayaasha qaranku waa in lagaga dhaqan galiyaa laguna maamulaa ujeedooyinkiisa.

6. Aasaasida Baahinta Rasmiga ah (Official Gazette).

Xeerku marka la ansixiyo waa in uu gaadhaa bulshada iyo meelaha kale ee lagaga dhaqmayo, taas si loo fududeeyo dawladaha caalamku waxa ay sameeyeen baahinta rasmiga ah waxa loo yaqaano taas oo ah jaraa’id mudaale ah oo ay soo saarto xukuumadu kuna baahiso xeerarkeeda, wareegtooyinka, iyo ogaysiisyada kale ee leh ahmiyad guud. Markaas ka dib sharcigu waxa uu qabaa in qof kastaa isagu ka masuul noqdo talaabooyinka ka dhalanaya hadii qof ku gafo xeerka, balse hadaan dawladuba samayn Baahintii rasmiga ahayd ma jirto si kale oo dadka lagu gaadhsiin karaa, taasina waa masuuliyad saaran dawlada in ay la timaado oo ay dhamaystirto.

7. Baabiinta Gudida Nabadgalyada

Gudiyada nabadgalyadu waa qaar garab marsan xeerarka iyo Dastuurka isla markaana ku gafa xuquuqada iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee qofka muwaadinka ama ajaanibkaba. Waxaanaa loo samaystay dano gaar ahaaneed waa in maamulka cusubi sidii uu balanqaadayba soo dedejiyaa tirtirida gudiyada nabadgayada isla markaana dib loo eegaa dadka u xidhan gudiyadaasi kiisaskoodana dib loo qaadaa lana sii daayaa cidii gardaro ugu xidhnayd.

8. Tayaynta Waaxda Garsoorka

Waaxda garsoorka oo aad moodo in ay ka hadhay waaxaha kale ee dawladu, waxa ay u baahantahay in la tayeeyo nidaamka ay ku shaqayso, cida ka shaqaysa, iyo agabka ay ku shaqaysaba isla markaana la soo celiyo aaminaada shacabka ee luntay. Taasi waxa ay u baahantahay in la keeno dadkii loo baahnaa isla markaana lagu saacido wixii tasiilaada ee hawshooda u saamaxaya si ay u gudaan, laguna xakameeyo xeerasha iyo nidaamka anshaxa maxkamada oo la adkeeyo, laaluushka, qaraabo kiilka, eexda iyo lakala safashada dadka danta ka leh oo la joojiyo taas oo lagu qaadayo cida lagu helo ciqaabta loo dajiyay.

9. Soo Celinta Madaxbanaanida Garsoorka

Madaxbanaanida garsoorka oo la soo celiyaa waxa ay keensanasaa in cadaalada iyo dhexdhexaadnimada garsoorku soo noqoto isla markaana dulmiga iyo duudsiga la waayo, taasi waxa ay ku imaan kartaa iyada oo maxkamadaha loo soo celiyo dhexdhexaadnimadooda maamul iyo tan maaliyadeedba oo aysan jirin cid kale oo ku lug yeelata dalacsiinta iyo anshax marinta, eriga iyo qorida garsoorayaasha oon ahayn waaxda garsoorka lafteeda, fulintu waa in aysan ku jirin gudida cadaalada sida agaasimaha guud oo kale taas oo keensanasa in ay fulintu danaheeda dhexmariso agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada, tan labaad waa in miisaaniyadeeda loo madaxbanaaneeyaa isla markaana maamulkeeda waaxada garsoorka oo kali ahi u xil saarnaataa si ay dhexdhexaad u noqoto.

10. Aasaasida Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawlada

Xafiiskani muhiimadiisu waxa ay noqon doontaa la talinta dawlada arimaha sharciga, u doodista dawlada hadii ay dacwad dhinac ka yihiin, dib u eegista iyo talo bixinta heshiisyada iyo arimaha sharci ee kale ee ay uga baahato xukuumada gaar ahaana fulintu. Tani waxa ay fursad siin doontaa xafiiska xeer ilaalintu in ay awooda saarto gafafka laga galo qaranka iyo sidii ay dadkaasi dacwad ugu oogi lahayd isla markaana hawlaha fulinta uga madaxbanaanaan lahayd.

11. Tabobarka iyo Taabagalinta Booliis Waxqabad leh

Booliis adaga oo sharciga ilaalin karaa waa mid ka mid ah hawlaha aasaasiga ah ee dawladu u qabato bulshada in kasta oo aanan halkan ku koobi karin baahiyaadka booliiska hadana hadaan ka eego qaybta sharciga waxaa loo baahanyahay in booliiska lagu tababaro sharciga iyo xuquuqaha isla markaana lagula xisaabtamo hadii ay ku gafaan xoriyaadka iyo xuquuqaha muwaadinka.

12. Taabogalinta Maxkamad Sare oo Shaqaysa

Maxkamad sare oo shaqaysa waxa aynu ula jeednaa maxkamad sare oo ay fadhiyaan garsoorayaal leh awooda tafsiirka xeerarka iyo Dastuurka isla markaana aqoontooda sharci ay dhisantahay. Taas oo u dhex ah dhamaan asxaabta qaranka, golayaasha qaranka iyo shicibkaba isla markaana maarayn karta muranada sharci ee Dastuurka ka dhasha. Si taas loo hello waxa ay u baahanthay in la helo dadkii ku haboonaa ee lahaa aqoonta iyo waayo aragnimada sharci.

Qabyada sharci ee dalku inkasta oo ay ka badantahay inta aan xusay oo ah meelahii aan islahaa way ugu daranyihiin, ayna jiraan meelo farabadan oon ka tagay, waxaan hadana is leeyahay hadii la suurto galiyo ugu yaraan kuwaa aan xusnay aduunyadu waa ay inoo soo istaagi kartaa sababta oo ah meel aan sharciga la dabaqayn isla markaana maxkamada aan la isku halayn karayn, sharciguna aanu ku ilaalinayn cid aduunyo iyo maalgashi kula dhiiran kartaa ma jirto. Waxad markaa arkasaa horumarku in uu ku jiro waaxda garsoorka oo la saxo laguna dadaalo.

Posted on by Hassan Farah Mohamed. This entry was posted in Legal Analysis, Legal News, Somaliland News. Bookmark the permalink. Both comments and trackbacks are currently closed.